SOO DHOWEYNTA BARNAAMIJKA QODISTA SHIDAALKA PUNTLAND
Anniga oo ku hadlaya magaca Australian Puntland Diaspora Forum waxaan soo dhowaynayaa horumarka laga sameeyey barnaamijka shidaal qodista Puntland oo muddo soo socday. Sidoo kale waxaan uga mahadnaqaya dadweynaha reer Puntland sida niyadsamidu ku jirto oo ay u soo dhoweeyeen uguna taageereen Dawlada sida arintaas loo hirgelin lahaa. Waxaa mahad gaara mudan dhamaan ciidamada Puntland oo qayb lama ilaawaana ka qaatay sugida amniga, iyaga oo weliba ay kaga dhinteen dad kuwaas oo hubinayey amniga wadooyinka loo maro goobaha wax laga baarayo. Waxaan illaahay uga baryeynaa dhamaan intoodu ku dhimatay hawlgalkaas inuu u naxariisto intii ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah oo taama siiyo.
Dhinaca kale waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha Puntland Cabdirahmaan Maxamed Maxamud sida uu isaga xilsaaray in hawshaan shidaal baaristu ay meel marto soona gaarto heerka ay maanta marayso, isaga oo ku bixiyey juhdi aad u badan.
Waxaa isaguna amaan mudan Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamud Muuse Xirsi Boqor sida odaynimada ah oo uu door uga qaatay sidii arrintani ku socon lahayd, taas oo horayna bilaabideeda u lahaa.
Waxaa isaguna xusid iyo qadarin mudan Agaasimaha Guud ee shidaalka Puntland, Ciise Maxamud Dhollawaa, oo har iyo habeen u hawlanaa khatara badana u soo maray sidii hawshaasi loo edmaday uu uga mira dhalin lahaa isaga oo ahaa isku xiraha dhamaan hawsha socotay iyo inta ay xiriirka la lahayd.
Waxaa iyaguna amaan mudan dhamaan dadka aan magacyadooda la soo koobi karin oo si uun uga qaybqaatay ka mari dhalintaan hawshaan kuwaas oo ka socday dhinaca dawlada iyo dhinaca shacabka Puntland labadaba.
Waxaa xaqiiq ah in saddexdaas shakhsi la kulmeen intii hawshu socotay caqabada badan oo ay dhigayeen subaac maxali ah iyo kuwa meel kale ka soo haajiray, aakhirkiise illaahay u sahlay inay ka guulaystaan.
Illaahay baa Mahad leh, isaga ayaana ka rajaynaynaa inuu ummadda reer Puntland iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed wax ka dheefsiiyo barnaamijkaan maanta socda oo Puntland ku talaabsatay.
Omar Mohamud Farah
Guddoomiyaha Australian-Puntland Diaspora Forum
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment